DHALAN ROGAN
Aadanaha iyo Himilooyinkiisa
Waxaan hadeer dultaagnahay buundada looga kala talaabo daanta Bari iyo daanta Galbeed ee Webiga Shabeelle degmada Jowhar. Waxaan ahay kaligeey oo waxaa iga soo tagay saaxiibkeey oo isugiwaayay markii aan isku dheeraanay ruux aadane qoftii iigu horeysay oo uu qalbigeygu Jacayl u xanbaaro. Khadro waxay ahayd, qof qalbigeyga waayahaas gilgishay oo muhasho ruux jirkiisa mushaaxda oo dareen dhab ah oo la taaban karo naftaydu ka dhaxashay waayihii kalgacal ee gabal daye.
Waa dhacdo in dadka qaybtiis ay yiraahdaan Jacayl ma jiro iyo doodo kale, balse waxa aniga aan arkay ama aan dareemay isla markaasna mararka xuskeedu igu soo noqdo aan dareenka iyo dubaaxin nafsiyan aan isleeyahay, koleey guuxa iyo muhashadu waxka badane ma ruuxaan baa wehlisa.
Waxaa buundada dacaladeeda duulduulaya Gaaraabidhaan, waa bahalyar oo sida duqsiga ama tixsiga le'eg oo duula balse qolof iyo baalal uu ku duulo oo Rabi kor ahaaye ku abuuray. Wuxuu inta badan yimaadaa xiliyada roobka, gaar ahaan habeenkii ayuu soo baxaa wuxuuna caan ku yahay iftiin ama nal yar oo dhanka danbe marna ka ifaya marna damaya ayaa rabi ku manaystay.
Markan maaha markii aniga iyo Gaaraabidhaan isugu keen horeysay ee waxaan kusoo arkay markii aan Kismaayo ka qaxnay oo aan kusii soconay xuduud beenaada Kenya iyo Soomaaliya dhexdooda. Waayahaas aan dareenka kalgacal deriska u ahaa, waxaan dhagaysan jiray heesaha gaar ahaan Ahmed Iishaar Olol oo qaadi jiray heeso uu isagu sameeyay iyo heeso abwaano kale sameeyeen oo ay fanaaniin caan ah ku luuqeyn jireen, waloow aan ahaa wiilyaroo madaxa soo qaaday oo dadka qaybtiis moodaan inaanan haasaawe gaarin. Waa halka ay dadka qaybtiis iga oran jireen (BAALUQE ISMOOD WIIL HADUU BUURYO GOYS YAHAYE).
Hadaba markii aan arkay Gaaraabidhaanka xarakadu ka muuqato oo hadaba dhan u weec weecanaya, dhanka kale waxaa ka muuqda dayax si wanaagsan dhulka iyo biyaha buundada hoosteeda socdaba aad iigu muuqanayeen, waxaan isweydiinayaa xiligan aan qoraalka qorayo sababta aan xiligaas kaligeey meesha u taagnaa. Maadaama ay ahayd xili danbe oo meeshaas laga baqo, balse markaas aan meesha taagnaa isma weydiinin cabsidaasina iguma jirin ee waxaan ka fekerayay waayaha soo socda iyo himilooyinka ii muuqda. Balse marna isma weydiinin adigu sidaas ayaad u fekeraysaa, balse tii rabi iyo taxanaha dunidu maxay noqon doonaa. Waa halka abwaanka Soomaaliyeed ka yiri.
WAXAAD AADANOOW MAAGAN TAHAY ADIYO MAANKAAGU,
IYO MOWLAHAY WUXUU KULA RABAA KALA MID WEEYAANE.
IYO MOWLAHAY WUXUU KULA RABAA KALA MID WEEYAANE.
Taagnaanshihii aan meesha taagnaa waxay fajac iyo walwal geliyeen, kooxda kubada cagta ee Green Peace oo ku caweyn jiray isla Schoolka luqadaha ee Green Peace oo aan af Ingiriiska ku baran jirnay. Waxaana leys weydiiyay xiligaan ma maqnaan jirine maxaa dhacay. Waxay soo socdaanba waxay yimaadeen buundadii, waxaa yaab iyo fajac ku noqotay kali taagnaanshahayga iyomaqnaanshaha aanan ka warheynin dadka sidaas iigu dhow ee aanan jabaqdooda iyo sawaxankooda marna dareemin. Waxaaba taas kasii daran oo fajac ku noqotay ciyaaryahankii kooxda nambarka 7aad uga ciyaari jiray ee kubada lagu ogaa caawa waa fanaan cod wanaagsan oo heesaya.
Baabulaha Libaaxaan,
Barqankii wareystaa,
Boodaha Shabeelkaan,
Ila baad iraahdaa,
Markuu iga hor boodaan,
Buuraha salaamaa,
Bakaylaha sidiisaan,
Bur caleen leh seexdaa,
Barqankii wareystaa,
Boodaha Shabeelkaan,
Ila baad iraahdaa,
Markuu iga hor boodaan,
Buuraha salaamaa,
Bakaylaha sidiisaan,
Bur caleen leh seexdaa,
Wuxuu i baday jacaylkii,
Wuxuu i baray kasii daran,
Bilabaad dhacaysiyo,
Biligtaa hilaaciyo,
Gaaraa bidhaankaan,
Kugu baadi goobaa.
Wuxuu i baray kasii daran,
Bilabaad dhacaysiyo,
Biligtaa hilaaciyo,
Gaaraa bidhaankaan,
Kugu baadi goobaa.
Nimaan baqin waa loo baqaaye, waxaa ila hadlay Maxamed Cismaan Garfanax iyo Daauud Maxamed Xaaji Bullaale oo aan markii horeba iga fogeyn. Waxay qosol iyo yaab la dhacay asxaabtii kale ee la socotay oo ay kamid ahaayeen.
Xassan Cali Maxamed (Xassan Cade)
Cabduqaadir Dhagacade (Blackey)
Cabdullahi Aadan Daahiye (Jees Bille)
Xassan Cabdi Xassan (Bull)
Cabduqaadir Waasuge (Dalabeey)
Cumar Shiiq Cali Tuure (Sanka)
Cabduqaadir Dhagacade (Blackey)
Cabdullahi Aadan Daahiye (Jees Bille)
Xassan Cabdi Xassan (Bull)
Cabduqaadir Waasuge (Dalabeey)
Cumar Shiiq Cali Tuure (Sanka)
Waraysi ay ka muuqato inay ka naxsan yihiin, in caawa leygu soo daadiyay oo kale ayaa la dhahay STAR saaxiib caawa adigana malagugu soo daadiyay qoftaas kibirleey waayee, anigu waxaan la yaabanahay sideey iigu soo dhowaadeen oo aanan uga warhelin markiiba, iyagana waxay ku mashquuleen siday u ogaan lahayeen in leygusoo daadiyay iyo in kale. (Daadis) waxaa loo isticmaali jiray qofkii lasoo diido oo la dhoho kaama helin. Markii aan u sheegay in wax walba caadi yihiin oo loo qaatay inaan jabkeyga qarsanaayo ayaa raga qaybtiis hoos ka dheheen, waanoo habeen danbe oo loola jeeday inaad soo aadid iyo in kale ayaan ogaan doonaa oo micnaheedu ahaa in leysoo ceyriyay. Waloow xiligaas ay ahayd xiligii noogu wacnaa ee nasoo mara oo aanay wax dhib ah jirin hadana asxaabtu waa shakiyeen.
Maxamed Dheere & Qabsashadii Jowhar.
Habeenkii xigay oo aan soo aadi lahaa, markaan kasoo baxnay Schoolka luqadaha aan ka baran jirnay ee Green Peace oo aan isleeyahay aniga iyo asxaabta Hantiwadaag laga soo jiro, inaan isa soo raacno ayaa waxaa magaalada soo galay ciidamo uu wato Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo markaas ka hor ahaa duqa magaalada Muqdisho ee maamulkii salbalaar ee uu sheegtay inuu madaxweyne ka yahay Gen. Maxamed Faarax Ceydiid. Jowhar habeenkaas waxay gacanta u gashay nin ciidamo wata, anigana waxaa balankeygii gacanta u galay baaqasho. Telefan laysugu sheego waan kaa baaqday wadanku malaha, hadey facebook soo geli lahayd xiligaas internetkaba lama aqoonin. Ciidmadii meesha qabsadayna kuwa Jacaylka waxka yaqaana oo xitaa inay dhalinyarada fasaxaan fahmi karay ma'ahayn. Hadaan u sheegi lahaana meel loogu hagaago malahayn oo baabuurtii ay magaalada ku qabsadeen ayeey dulsaarnaayeen, waayahaasna hadii ciidamo meel soo galaan illaa laga aqoonsanayo laguma degdegi jirin. Maadaama ay dadka iska dili jireen oo aanay jirin cid wax weydiin jirtay ama wax u qabsan jirtay, qalalaasihii jiray awgiis iyo dhibaatooyinkii ay abuureen oo aad u farabadnaa darteed.
Filashaa wacan.
Abdullahi Ali Hiirad
info@hiirad.net
www.hiirad.net
www.hiirad.net
This comment has been removed by the author.
ReplyDelete